4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay
 

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw israsaaseyn xoogan ku dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana israsaaseyntooda timid kadib markii la sheegay iney ku murmeen lacago Canshuur ah oo laga qaado gaadiidka halkasi laga raro.

Inta la xaqiijiyay sedax ruux oo mid haweeney tahay ayaa la sheegay iney ku dhinteen dagaalka kooban ee dhexmaray ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana jira dad kale oo ku dhaawacmay israsaaseynta.

Israsaaseynta dhexmartay ciidamada ayaa la sheegay iney bilaabatay xili Isgoyska uu ka jiray mashquul aad u xoogan, dadweyne farabadana ay ku sugnayeen Isgoyska. 

   
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]