4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Midowga Musharaxiinta oo taageeray go'aankii uu Raysal wasaaraha xilka uga qaaday laba Sarkaal oo NISA ka tirsan
 

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka bayaan kasoo saaray talaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay talaabadii uu xilka qaadista ugu sameeyay laba sarkaal oo ka tirsan hay'adda Nabadsugida Soomaaliya.

ā€¯Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in talaabada Raysal wasaaraha ee lagaga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah ee xoriyada safarka muwaadiniinta iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Golaha Musharixiinta.

Waxay sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta ugu baaqeen laamaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Shacabka in la ilaaliyo Dastuurka dalka lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac iyo khilaaf keeni kara.

Gabagabadii bayaanka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka iyo faragelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedisocodka dalka iyo iney dhacaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]