4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
Golaha Wasiirradda oo ka horyimid ansixinta 12 safiir oo maanta magacyadooda la horgeeyay

 

Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) -  Shirka Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu qaadacay ansixinta ilaa 12 safiir oo ay soo gudbisay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warar ka soo baxay shirka ayaa sheegaya in sababta loo qaadacay ansixinta safiiraddan oo aan  la sheegin mid walba dalka loo magacaabay tahay dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo sheegay in habka magacaabistan aan lagu saleyn saami-qeybsiga beelaha oo isku dheelitiran, islarmarkaana yihiin safiirro hal dhinac u badan.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa la sheegay in markii danbe uu dib u celiyay safiiradan madaama ay dood ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Warqada Wasaarrada Arrimaha Dibada iyo Magacyada Xubnaha Safiirradda ah ee ansixintooda laga horyimid.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]