4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
Kongareeska oo ansixiyay guushii Joe Biden

 

Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Kongareeska Mareykanka ayaa ugu danbeyntii ansixiyay in Joe Biden yahay madaxweynaha dalka Mareykanka halka Kamala Harris  ay noqoneysa madaxweyne ku-xigeenka dalka.

Waxaa ay gabi ahaanba laaleen oo ay meesha ka saareen diidmadii laga muujiyay codadka gobollada Pennsylvania iyo Arizona.

Kulanka ayaa hakaday maalintii shalay kaddib markii taageerayaasha Madaxweyne Trump ay ku xoomeen dhismaha Capitol. Kulanka ayaa la soo celiyay isla markaana sii socday kaddib markii la kala cayriyay dibadbaxayaasha.

Dhinaca kale War ka soo baxay  Madaxweyne Trump ayaa lagu sheegay  in uu u hoggaansamayo xil wareejinta 20-ka Janaury, balse wuxuu ku celiyay sheegashada been abuurka ah ee in doorashada lagu shubtay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]