4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
7 Askari oo Kenyaan ah oo lagu dilay qarax Miino

 

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijinayo ilaa 7 Askari oo Kenyaaan ah oo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay Qarax miino kaddib markii la bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen Talaadadii shalay.

Qaraxa ayaa lala eegtay “kolonyo gaadiidka ciidamada Kenya ah oo marayay wadada u dhaxeysa Dhoobley iyo Hosingow.

Weerarkan waxaa markiiba mas'uuliyadiisa sheegtay kooxda Al-shabaab ee dagaalka kulan jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Saraakiisha gobolka ayaa u xaqiijiyay wakaaladda Anadolu Agency laakiin ma aysan shaacin tirada dhimashada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ku dishay 17 ka tirsan ciidamada Kenya weerar bambo oo Axaddii ka dhacay meel u dhow magaalada Dhoobley, Jubbada Hoose.

Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro sarkaal Booliis ah ayaa ku dhintay toddobo kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo Isniintii lala beegsaday gaari ay la socdeen saraakiil Booliis ah oo marayay degmada Dharkiinley ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]