4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Galmudug oo sheegtay in ay diyaarisay xaruntii lagu qaban lahaa doorashada Aqalka Sare

 

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in dhankooda ay u diyaargaroobeen qabashada doorashada, kaddib markii uu booqday xarun loo diyaariyay in lagu qabto doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Xarunta uu sidoo kale ah goob loo diyaariyay in ay deggeen guddiyada doorashada iyo dhamaan howlwadeennadooda ayaa la filayaa in la dajiyo xubnaha guddiga doorashada ee dhawaan taggaya degmada Dhuusa-Mareeb.

Galmudug ayaa ka mid ah maamulada isku diyaarinaya in ay qabtaan doorashada xildhibaannada Aqalka sare kaddib markii ay dhawaan sidaa ku ballameen Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xusseen Rooble.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]