4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Bam gacmeed caawa lagu tuuray goob diiwaan gelin magaalada Laascaanood
 

Talaado Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Goob ku taal koonfurta magaalada Laascaanood ayaa caawa fiidkii qarax ka dhacay kaas oo la sheegay in uu ahaa bam gacmeed.

Qasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa la sheegay laba qof oo dhaawac fudud ah sida ay HOL u sheegay Masuul, kaas oo diidey in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

"Ma jiro qasaare la sheegaa, goobtu way xidhnayd wax shaqo ahna kama socon, kuwa, laba qof ayaa firir dhagxaan ahi soo gaadheen, wixii intaas dhaafsiisan ciidamada amaanka ayaa laga war sugayaa" sidaa waxa yidhi isuduwaha Warfaafinta oo aan la xidhiidhnay.

Dhacdadan ayaa u muuqata qorshe ay dadka diidan diiwaan gelintu ku cabsi gelinayaan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay si ka balaadhan sidii la filaayey ay dadku isu diiwaan gelinayeen, waxaana si aad ah loo saadaalinayey in ay maalmo dheeri ah dalbadaan waqti kordhin.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood