4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Dowladda oo furtay waddo muhiim u aheyd isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka qaaday saanbaagyada carrada laga buuxiyo oo ay isticmaalaan ciidamada AMISOM xarunta CID ee KM4 oo ciriiri badan ay ku qabeen gaadiidka dadweynaha.

Afhayeenka ciidankada Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in markii horeba loo xiray xarunta sababo la xiriira Amniga xiligganna go'aansadeen laamaha nabadgalyada in ay dib u furaan waddadan kaddib markii sida uu hadalka u dhigay lagu kalsoonaaday nabad-galyada xarunta.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladdu sidoo kale ku howlan tahay in dhawaan ay dib u furto jidad muhiim ah oo muddo dheer u xirnaa sababo nabadgalyo.

Horay Dowladdu waxey u furtay waddada dheer ee hormarta madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyayba xirneyd.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]