4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay muqaalka ciidamo dhawaan lagu soo bandhigay Duleedka Muqdisho
 

Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ciidamo hubeysan oo muqaalkooda lagu baahiyay baraha Bulshada kuwaas oo la sheegayay in loo diyaariyay ka hortaga doorasho aan wada ogol aheyn oo ka dhacda Dalka.

Wasiir ku xigeenka wassaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala oo soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo iney waxba kama jiraan tahay ciidamada la sheegay iney kasoo horjeedaan doorashada ay ku dhawaaqday Xukuumadda Soomaaliya.

"Muqaalka maalmahaan la wareejinayay ee lagu sheegay ciidamo kasoo horjeeda doorashada waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn mana ahan muqaalo hadda la duubay ciidamada muqaalka ka muuqdana ma aha kuwa falaago ah" ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala.


Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sido kale Warbaahinta iyo dadka wax qoro ugu baaqay ineysan hurinin oo aysan ka qeyb qaadan tabinta waxyaabaha colaada hurinaya.

"Waxaan ugu naseexaynayaa Warbaahinta iyo Dadka wax faafiya in laga dhawrsado been abuurka nuucaan oo kale ah waa ku gaf Qaranka, waa ku gaf ciidamada, waana ku gaf Shacabka Soomaaliyeed Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad" ayuu yiri Al-cadaala

Hadalka wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan lasoo bandhigay muqaalka ciidamo hubeysan lagu soo bandhigay duleedka Muqdisho kuwaas oo la sheegay iney u diyaar garoobayaan ka hortaga doorashada Xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]