4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Cabdinuur Sheekh Maxamed '' Madaxweyne Farmaajo waxaan ugu baaqayaa in uu is casilo

 

Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya islamarkaana ah musharax u taaggan xilka madaxweyaha Soomaaliya Prof Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa dowladda ku eedeeyay caburin aan loo meeldayin oo shacabka iyo mucaaradkaba ay kula kaceyso.

Wuxuu sheegay in caburinta ugu weyn ee lagu hayo siyaasiyiinta ka Aragida duwan dowladda tahay in aysan qabsan karin kulamo iyo isku -imaatin ay kaga arinsanayaa xaalada dalka.

''Dowladda hadda jirta ama xukuumadan caburinta ay ku heyso shacabka mid la mid ah ayeey ku heysaa mucaaradka, magaalada Muqdisho shirar kama dhacaan mucaaradku isku iman karo, bal is weydii sababta loogu baahday in Garoowe leysugu taggo oo looga arinsado aayaha dalka'' ayuu Prof Cabdinuur Sheekh Maxamed.

Waxyabaha walwalka ugu badan keenaya ayuu ku tilmaamay in xukuumaddan aysan marnaba ogoleyn in ay shacabka la hadasho oo ay la wadaagto marxalada dalka iyo sida ay rabaan in ay u wajahaan.

''Xukuumad aan hadleynin  oo shacabka la wadaageynin wax ay rabto iyo sida ay doonayaan in ay doorashada ku wajahayaan oo go'aamadooda hoosta ka gaareysa ciidamana meel walba isaga sii hormaineysa taasi hormar laguma gaarayo'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in ay qasab tahay in dowladdu dibada u soo baxdo oo dadka la hadasho islamarkaana la fariisato dadka doonaya in ay tallada kala wareegaan.

''Iyadoo Jubbaland iyo bannaanka ka joogto doorashada Puntland sidoo kale bannaanka ka joogto, mucaaradkiina ay diidan yihiin doorasho ma dhici karto, hal qof oo Soomaali ah oo tallo ku leh doorashada ma'aha in uu ka maqnaado'' 

Cabdinuur ayaa sheegay in hannaanka ay hadda dowladdu u wajaheyso doorashada iyo ciidamada lagu daabulayo deegaannada Soomaaliyeed labaduba yihiin kuwo baalmarsan Dasuurka, taasoo muujineysa in gabi ahaanba dowladdanni sida uu hadalka u dhig meel iska dhigtay ku dhaqan Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya mar haddii uu ku fashilmay dhamaanba howlihii uu Qaranka u idmaday in  uu xilka isaga taggo awoodda dalkana  uu ku wareejiyo sida uu hadalka u dhiggay Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya..

''Madaxweynuhu wuxuu ku fashilmay sidii uu qorshuhu ahaa in uu dalkan gaarsiiyo doorasho qof iyo cod, sidoo kale wuxuu ku fashilmay in uu qabto doorasho Dadban oo xalaal ah, sidaa daraadeed waxaa leeyahay xilka ka fariiso, madaxweyne Is casil, tallada dalkana ha lagu wareejiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya'' ayuu yiri musharax Cabdinuur Sheekh Maxamed.

Hadalka Musharaxa ayaa imanaya xili wali muran xooggan uu ka jiro hannaanka lagu wajahayo doorashada dalka oo dhawaan xukuumadu ku dhawaaqday in la qabanyo iyadoo aan cid danbe la sugi doonin.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]