4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2021
Guddiga Rugta Ganacsiga oo ay dhawaan Dowladdu magacaawday oo War soo saaray

 

Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Iyadoo dhawaantan Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu magacaabay guddi ku -meel-gaar ah oo sii waddi doona howlihii rugta Ganacisga iyo Warshadaha  ayaa  qoraal ka soo baxay guddigan KMG ee la magacaabay waxaa ay ku sheegeen in ay bilaabi doonaan howlaha loo idmaday.

Wasiirka Ganacsiga ayaa kala diray guddiggii Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed oo dhinacooda ku gacan-seyray go'aanka Wasiirka, hasse ahaatee qoraal ka soo baxay guddigan cusub ee KMG ayaa lagu sheegay in ay dardar-galinayaan howlaha culus ee hor yaala ee loo idmaday.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]