4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Wasiir hore oo madaxwayne ku xigeenka Somaliland eedayn usoo jeediyay
 

Talaado, Febraayo, 23, 2021 (HOL)- Wasiir kii hore ee qorshaynta Somaliland CawAale Ibrahim Shirwac, ayaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ku eedeyay, in uu faragalin ku hayo xulista xildhibaanada deegaanka ay labadooduba kasoo jeedan.

CawaAle oo maanta warbaahinta Hargaysa kula hadlay,  ayaa sheegay in madaxwayne ku xigeenka Somaliland uu faragalin ku hayo habka xulista xildhibaanada ee deegaankiisa.

“Waxaynu ku jirnaa wakhti doorashooyin ah, dadka sidayda oo kale ah ee ama xil soo qabtay ama bulshada caanka ka ihina, kolay waxay qayb kayihiin abaabulkaa, sidii bulshooyinka ay ka soojeedaan ay u caawin lahayeen, iyo sidi ay gabi ahaanba u taageeri lahaayeen doorashadaaasi in ay si hab sami ah u dhacdo, marka waxan rabaa in aan halkan fariin kooban kadiro maanta, waxan kasoo jeeda bulshada gobolka Gabilay ee deegaanka Gabilay na u ordaya in ay ka helaan kuraas, waxanan rabaa in aan fariintan u diro cabasho katimiday faragalin, iyadoo lasoo faragaliyay qofkii ay soo xusheen deegaan ahan, odayaasha deegan ku way isku yimadeen iyagoo ku heshiiyay in hal qof ku matalo golaha wakiilada, qofkiina ay geeyeen xisbiga UCID, anaguna markaa waa nuku taageernay, markaa waxan rabaa in aan hada la hadlo madaxwayne ku xigeenka oo nin kale ka daba keenay, qof kaasi oo ah qof uu madaxwayne ku xigeenku isagu soo xushay, aniga oo ixtiraam wayn uhaya madaxwayne ku xigeenka waxan leeyahay, in sida bulshada kale ee Somaliland ba odayaashoodu usoo xulayaan in inaguna aynu sida samayno” ayuu yidhi wasiir hore Cawaale.

Cawaale ayaa madaxwyne ku xigeenka ugu baaqay in uu si odaytinimo ah, hawsha u galo, hadii kalena uu u daayo talada odayaasha deegaanka.   

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]