4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sii adkaysay go'aanka ay ku mamnuucday iskusoo baxyada
 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya, Xasan Xundubay Jimcaale, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mowqif cad ka qaadatay in aan la qaban karin wax isku imaatin ah, si looga baaqsado faafitaanka cudurka Covid-19 oo marxaladiisu ay isisoo tarayso.

Wasiirka amniga oo shir jaraa’id kula hadlayay weriyayaasha ayaa sheegay in dowladdu sii adkaysay go’aankeeda kadib markii maanta ciidamada amnigu ay fashiliyeen qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa kaasoo ciidanka ay gacanta ku dhigeen.

Xasan Xundubay waxa uu tilmaamay xaaladdaha caafimaad iyo amni ee magaalada Muqdisho in aanay marnaba suurtagal ahayn in dowladdu oggolaato in la isku yimaado, isagoo hadalkiisa kusii daray in dowladdu xitaa mamnuucday shirarkeeda tooska ahaa.

Dhinaca kale, wasiirka amniga ayaa ka sheegay in raysal wasaaruhu wado wada hadalo cid kasta oo dowladda kasoo horjeeda lagu qancinayo uuna weli furan yahay baaqii raysal wasaaraha ee ahaa inuu la fariisanayo mucaaradka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]