3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Somaliland: xiliga la qabanayo shahaadooyinka musharixiinta oo lagu dhawaaqay
 

Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- shirjaraa’id oo ay siwadajira u qabteen, guddida tacliinta sare iyo xafiiska imtaxanaadka ee Somaliland, ayaa lagu shaaciyay, in maalinta bari ah ee 23 ka bishna Febraayo, ay bilaabmayso qabashada shahaadooyinka jamacada iyo dugsiga sare ee musharixiinta.

Shirkan jaraa’id ee ay sida wada jir ka ah u qabteen, guddida tacliinta sare iyo xafiiska imtaxanadka ayaa lagu shaaaciyay in laga bilaabo maalinta bari ah, ay dhamaan musharixiinta u tartamaysa doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiiladu ay soo xerayn karaan shahaadooyinkooda cadaynaya heer kooda tacliineed.

“waxanu joognaa xafiiskii imtaxanad ka guud ee qaranka, anaga iyo xafiiska imtaxanad ku runti waxanu ka duulaynaa, gudida doorashooyinka oo caddaysay, rool kii aanu ku lahayn taclinta sare iyo qolada imtaxanad kuba, sigaara hadanu nahay qolada tacliinta sare, anaga gaar waxa noo khuseeya qolada laga rabo, shahaadada Degree ga (heerka koobaad ee jamacada) oo ah todoba dagmo, Borama, Gabilay, Hargaysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanod, maxayeelay dagmooyinkasi waa dagmooyin A ah, qoladasa laga rabaa Degree ga. 23 ka kale ee dagmo ee B da iyo C du waxay shahaadooyin kooda gaynayaan xafiiska imtaxanad ka.” waxa sida yidhi gudoomiyaha guddida tacliinta sare prof Saleebaan Dirir.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in qolada ka sharaxan dagmooyinka A da ah laga rabo in ay soo xereeyaan shahadada jamacada iyo tii dugsiga sare labadaba.

Gudoomiyaha xafiiska imtaxanadka ayaa isna sheegay in musharixinta laga rabo shahadada dugsiga sare, oo ah kuwa ka sharaxan dagmooyinka darajada B da iyo C da, ay shahaadooyinkooda keenayan xafiiska imtaxanadka, isla markaana sheegay in sababta shahaadoyinka loo rabaa ay tahay in dad aqoon lihi isasoo sharaxaan.

“Danta aanu ka leenahay waxa weeyi, in dad waxgaranayaa ay meesha tagaan, oo aynu ka korno qof iska yimid, oo aan aqoon lahayn, markaa shahaado ayaa lagu xidhay, xeerka ayaana ku xidhay iyo guddida doorashooyinka, dagmooyinka B da iyo C da musharixiinta ka sharaxani halkan xafiiska imtaxanadka ayay keenayan shahaadooyinkooda”. gudoomiyaha xafiiska imtaxanadka Somaliland Da’ud Axmed Farax ayaa sida yidhi.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
2/22/2021 3:26 PM EST
Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi, oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in hadaladii ay saxafiyad Hoodo Gareys ka sheegtay ciidanka booliska, ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog, isla markaana ay dacwada ka gudbinayaan.

2/22/2021 1:59 PM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya Mr James Swan oo warbixin siinayay shir Golaha Amaanku uu ka yeeshay xaaladihii ugu danbeeyay dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto cakirnaan siyaasadeed.

2/22/2021 9:47 AM EST
Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- sarakiil ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, ayaa gurigooda ku booqday saxafiyad Hoodo Gareys iyo hooyadeed oo ay ciidamada boolisku jidh dil u gaysteen jimcihi lasoo dhaafay ee 19 bishan Febraayo.

2/22/2021 9:00 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

2/22/2021 7:32 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay shir jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo hadal qaaday dhacdadii 19kii bishan Jimcihii toddobaad hore ka dhacday magaalada Muqdisho.

2/22/2021 6:52 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Midowga musharixiinta oo goor dhaw shir jaraa'id ku qabtay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku baaqay dibadbax ka dhici doona fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

2/22/2021 6:37 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) -Madaxtooyada Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

2/22/2021 4:21 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Dabkan oo socday saacado xiriir ah ayaa ka kacay habeenimadii xalay Warshada sameeysa Joodariyaasha oo ku taala deegaanka Ceeljaalle ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

2/22/2021 3:17 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe shaaciyay xog hoose iyo hadalo ay is dhaafsadeen isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo bilaabo shirarkii doorashooyinka ilaa 19kii bishan oo ay qalaalso ka dhaceen magaalada Muqdisho.

2/22/2021 12:39 AM EST
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Tanzania ayaa lagu tilmaamayay in si ku talagal ah isku dhaafineyso diiwaangalinta iyo la socoshada dadka uu soo ritay cudurka Covid 19.