4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Maraykanka: Ma jiro waddan loo oggol yahay inuu covid-19 marmarsiiyo ka dhigto inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha
 

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in uusan jirin waddan loo oggol yahay inuu u adeegsado covid-19 si uu marmarsiiyo kaga dhigto inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah.

Dowladda Mareykanka waxay mar kale ku celisay digniinteeda ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya wax yar uun ka dib markii ay dhawaan qalalaase ka dhaceen Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay, dowladda Mareykanka waxay ku sheegtay intii ay socdeen isku dhacyadii u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo mucaaradka Khamiistii iyo Jimcaha lagu dilay in ka badan 20 qof.

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadinaysa dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka inay qaboojiyaan xiisadda oo ay yeeshaan wadahadal si loo dhammeeyo khilaafaadka.

UN iyo IGAD labaduba waxay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii kordheya iyo loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Bayaanno gooni gooni ah ayay ku sheegeen in jahwareerka doorashooyinka soo socda ay sii kordhinayaan halista xasilooni darrada ayna baabi'inayaan dhammaan guulihii laga gaaray geeddi-socodka nabadda iyo dowlad dhisidda.

Dibadbaxyadii Jimcaha iyo iska hor imaadyadii xigay ee caasimadda ayaa tobanaan qof ka barakiciyay guryahooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]