4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Maxkamad gobolka Banaadir oo Shirkada Favori LLC ku heshay ku tumasho xuquuq shaqaale xukunna ku riday
 

Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku heshay shirkada Favori LLC ee maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ku tumasho xuquuq shaqaale, kadib markii sharci yaqaanada Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) ay kusoo eedeeyeen ku xadgudbida xuquuqda mid kamid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda u shaqeeya.

Shirkadda Favori ayaa horraantii bishii September ee sanadkii tagay 2020 shaqada ka eriday Abshir Xasan Cabdulle oo ka mid ahaa xoogsatada shirkadda u shaqeysa ee ka hawlgalayay garoonka diyaaradaha Aden Cadde, iyadoo shaqo ka eryidiisa aan loo marin wax sharci iyo nidaam ah.

Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo baaris ku sameeyay sababta Abshir oo xoogsata ah shaqada looga eryay, ayaa waxaa u caddaatay in shaqo ka eryidiisa aan loo marin sifo sharci ah.

FESTU garyaqaano u qabtay Abshir Xasan Cabdulle ayaa  ku guuleysatay in gal dacwadeed laga furo Maxkamada Gobolka Banaadir halkaasi oo lagu qaaday kiiska dacwada, ayadoo Maxkamadu aqbashay inay qabato kiiska muwaadinka taariikhdu markii ay ahayd 14 November 2020 isagoo xilligaasi laba bilood shaqadii laga eryay banaanka ka jooga.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xilliyo kala duwan u fadhiisatay dhageysiga dacwada iyo dooda labada dhinac ee ka kala socday Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) iyo Shirkadda Favori LLC, waxaana Maxkamaddu sameysay baaritaano iyo dhageysiyo farabadan taasi oo ugu dambeyntii maanta ay ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday kiiska dacwadda Abshir Xasan Cabdulle.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in shaqo ka saaridda Abshir Xasan Cabdulle ay tahay mid sharci darro ah waxayna Maxkamaddu amartay in lagu celiyo shaqadiisii sidoo kale in la siiyo dhammaan mushaarkii ka baaqday laga soo billaabo bishii October ee sanadkii tagay 2020. 

Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee FESTU oo saxaafada la hadlayay kadib markii uu xukunka soo baxay ayaa yiri “waxaan isku daynay inaan kala hadalno shirkadda Favori LLC inay joojiso ku xadgudbidda xuquuqda shaqaalaha, ayna dhowrto sharciga dalkan u degsan ee damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha. Nasiib darro wey ka dhaga adeegeen ayagoo u heysto inay sharciga ka sareeyaan oo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ku tuman karaan isla markaana aan tilaabo sharciga waafaqsan aan laga qaadeynin”.

“Waan sii kordhineynaa dadaalkeena aan ku dooneyno inaan ku difaacno kuna soo dhicino xaqqa ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed. Marna ma yeeli doonno in lagu tunto xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu ku daray Cumar Faaruuq Cismaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]