4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 2 , 2021
NISA oo shaacisay in howlgal qorsheysan lagu dilay 12 Sarkaal oo ka mid ahaa Al-shabaab
 

Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo Xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dileen Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen ciidanka NISA, gudaha magaalada Muqdisho iney ku bartilmaameedsadeen 15 Sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, islamar ahaantaana ay dileen 12 ka mid ah 15-ka sarkaal, kuwaas oo ay NISA sheegtay in Shabaab u qaabilsanayeen qalqal gelinta amaanka magaalada Muqdisho.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa qalqal gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho, Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Al-shabaab. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo badbaada umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay'adda NISA.

Si kastaba ha ahaatee Taliska hay’adda  NISA ma shaacin goobta uu ka dhacay howlgalka ay sheegatay inay ku dileen 12 Sarkaal oo ka mid ahaa dagaalyahanada Al-shabaab, islamarkaana maysan sheegin hay'adda inay baxsadeen sadexda Sarkaal kale iyo in la qabtay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku aadan warka kasoo baxay hay'adda Nisa ay ku sheegatay iney howlgal qorsheysan ku dileen 12 ka mid ah saraakiisha Shabaab u qaabilsaneyd qalqal gelinta amaanka magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]