3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Baledweyne


Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa dalalka Jabuuti iyo Itobiya ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoos taga magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalada waxay ka sameyeen ilaa 10 deegaan oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Baledweyne oo ku yaala Bariga iyo Galbeedka degmada Baledweyne.

Deegaanada ay howlgalada ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxaa ka mid ahaa Baardheere, Xujuub, Ceelka Baar, Faafgumare iyo deegaano kale.

Taliyaasha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgalka kadib saxaafada hadlay ayaa waxay sheegeen in ujeedka howlgalkooda maanta uu ahaa xaqiijinta amaanka degmada Baledweyne oo la filayo in dhawaan lagu qabto doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 -aad ee Soomaaliya.

Deegaanada maanta ay howlgalada ka sameeyeen ciidamada is garabsanaya ayaa masaafo ahaan magaalada Baledweyne waxay u jiraan ilaa ugu badnaan 10-KM, taaso ka dhigan in Al-shabaab aysan ka fogeyn magaalada Baledweyne, waxaana xiliyada qaar ay kusoo qaadaan weerar Saldhigyada ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
12/1/2021 1:39 PM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - UmulKhayr Rooble Cilmi oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland sheegay in booliisku xidheen kadib markii, ay xukuumada ka codsatay sharci ilaalinaya dumarka aan xijaaban, ayaa sheegtay in aan la xidhin, cidna dacwaynin.

12/1/2021 8:00 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa magaalada Hargaysa ku xidhay gabadh xukuumada Somaliland ka dalbatay in ay samayso xeer ogolaanaya in dumarku ay suuqa qaawani ku dhex mari karaan.

12/1/2021 7:52 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Itoobiya, dagaallo adag oo ay dawladdu kula jirtay kooxda TPLF, ayaa waxay dowladdu sheegtay inay la wareegtay magaalooyin waawayn oo istiraatiji ah.

12/1/2021 7:45 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo madaxtooyada ku qaabilay safiirrada cusub ee Midawga Yurub iyo Sweden Soomaaliya u qaabilsan, Amb. Tiina Intelmann iyo Amb. Per Lindgarde, ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta.

12/1/2021 6:53 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis waxaa lagu sameeyay Taliyahii ciidanka Booliiska degmada Baledweyne, islamarkaan lagu magacaabay Taliye Cusub.

12/1/2021 5:18 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Haweeney looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Talaadadii lagu xiray deegaanka Tinderet, ee gobolka Nandi.

12/1/2021 2:52 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha shacabka ee tirsiigu yahay 103, oo la ogyahay inuu dacwad kasoo gudbiyay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

12/1/2021 2:32 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu gacanta kusoo celiyo hay’addaha u xiran shaqsiyaadka gaarka ah.

12/1/2021 12:24 AM EST
Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dhex ka tahay arrimaha Itoobiya.