4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
Taliyahii Ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay
 

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis waxaa lagu sameeyay Taliyahii ciidanka Booliiska degmada Baledweyne, islamarkaan lagu magacaabay Taliye Cusub.

Maxamed Maxamuud Rooble Qoorsheel oo ahaa taliyahii Booliiska Baledweyne ayaa wareegto xilka looga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Xuseen Maxamuud oo loo yaqaano Duurdage, kaasoo noqonaya taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne.

Magacaabista Taliyaha cusub ayaa kusoo beegantay xili dhawaan la filayo in magaalada Baledweyne ay ka bilaabato doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Hiiraan.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Saldhiga Baledweyne ayaa la sheegay inuu horay uga soo shaqeeyay magaalooyin ka tirsan gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]