4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
Madaxweyne Deni: Puntland kama shaqayndoonaan ciiddamo rag leeyihiin, waan ka taqlusinaynaa
 

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu gacanta kusoo celiyo hay’addaha u xiran shaqsiyaadka gaarka ah.

Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay arrimaha ciiddamada isagoo sheegay in uusan jirindoonin ciiddamo rag leeyihiin oo Puntland kasii dhex shaqayndoona.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa u muuqday mid si toos ah ugu socday saraakiisha hay’adda PSF, kuwaas oo kasoo horjeestay in ay wareejiyaan xilka hay’adda ciiddanka PSF.

“Dalku hal ciiddan ayuu yeelanayaa, ma yeelanayo ciiddamo rag leeyihiin. Hal dakhli buu yeelanayaa. Markaan imid waxaa jiri jirtay wax la dhaho curaaro, nin walba 2% ayaa meel loo saaray. Maalintii ugu horraysay ayaa ka taqlisiyay. Ciidamo hebelo leeyihiina dabayaaqadoodii ayaa socota,” ayuu yidhi Deni.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Boosaaso ay ka jiraan xiisado ka dhashay xil ka qaadista taliyaha hay’adda PSF. Puntland ayaa halkaas ku daabushay ciiddamo, si ay xoog ugu adeegsadaan haddii ay madaxda hay'adda PSF iskusii dhajiyaan xilka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online