4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 9 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka
 

Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kala qaatay hoygiisa madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka dhexmaray madaxdii hore ee dalka iyo Raysal wasaare Rooble ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee ka bilaawday maamul goboleedyada dalka qaarkood.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mohamed Hussein Roble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Shiik Ahmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon" ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Kulankaan galabta dhexmaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Raysal wasaare Rooble ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili khilaaf uu soo kala dhexgalay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]