3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 9 , 2021
Al-shabaab oo fagaare ku yaala deegaanka Kabsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ku toogatay sadax ruux
 

Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala deegaanka Kabsuuma ee gobolka Jubbada hoose ku toogtay sadax ruux oo ay sheegeen iney ka mid ahayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha deegaanka Kabsuuma ayaa usoo daawasho tagay fagaaraha lagu toogtay sadaxda ruux, waxayna Al-shabaab sheegeen iney kusoo qabteen sadaxda ruux howlgalo ay ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sadaxda qof ee toogashada ku fuliyeen Al-shabaab ayaa lagu kala magacaabi jiray Bashiir Cabdow Cali, Maadeey Cali Maamow oo ka wada tirsana Militariga Soomaaliya iyo Cabdirashiid Shukri Sheekh Cabdi oo isna ka mid ahaa ciidanka maamulka Jubbaland.

Al-shabaab waxay horay toogasho noocaan oo kale ah ugu fuliyeen dad ay sheegeen iney ka tirsanayeen dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo ay sheegeen iney ahayeen jaajuusiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/9/2021 11:34 AM EST
Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kala qaatay hoygiisa madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

8/9/2021 9:57 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa gudoontay shixnadii 3aad ee tallaalka Covid-19 ah oo ka kooban 30'000 oo tallaal ah, taasi oo ay ku deeqay dowladda Faransiiska iyada oo soo dhex maraysa Sanduuqa Caalamiga ah ee COVAX sida wasaaradu sheegtay.

8/9/2021 8:02 AM EST
Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo oo uu weheliyo dhiggeeda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta dib u furtay safaaradda Kenya ee Muqdisho ka dib markii la xiray siddeed bilood ka hor sababo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed oo xumaaday.

8/9/2021 3:01 AM EST
Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen aalada fogaan araga waxay kaga hadleen xaaladahii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

8/9/2021 2:56 AM EST
Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la wanaajiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee xumaaday kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, mas’uuliyiinta labada dal.

8/9/2021 2:49 AM EST
Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenkii wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka maamulka Puntland, Asad Xuseen Xaashi ayaa saakay magaalada Garowe ugu geeriyooday cudurka Covid19, sida ay HOL u sheegeen masuuliyiin katirsan Puntland.

8/9/2021 1:23 AM EST
Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay iney ku howlan yihiin sidii shacabka reer Galmudug ay u heli lahayeen ku noolaashaha xoriyad buuxda.