4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 9 , 2021
Kenya oo dib u furtay safaaradeedii Soomaaliya kadib bilooyin ay xirnayd
 

Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo oo uu weheliyo dhiggeeda  Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta dib u furtay safaaradda Kenya ee Muqdisho ka dib markii la xiray siddeed bilood ka hor sababo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed oo xumaaday.

Dib -u -furista safaaradda ayaa timid kadib booqashadii Omama ee Muqdisho, halkaas oo ay wada -hadallo laba geesood ah kula yeelatay RW Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay dib u furto safaaradda Kenya, kadib siddeed bilood oo aysan matalaad ka joogin Soomaaliya oo ay la leeyihiin iskaashi ganacsi oo muhiim ah iyo mid amni.

“Waxaan rajaynayaa in booqashadaydu ay calaamad u tahay isbeddel wanaagsan oo u gogol xaaraya wadashaqayn dheeraad ah xilligan xasaasiga ah oo ay Soomaaliya doorashada u taagan tahay,” ayay Omomo ka sheegtay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen markii dib loo furay Safaaradda.

Soomaaliya ayaa safiirkeedii Maxamuud Axmed Nuur Tarsan dib ugu celisay Nairobi bishii Luulyo ee la soo dhaafay si uu u dib ugu bilaabo shaqadii diblomaasiyadeed ee uu ka waday Kenya kadib markii labada dal ay ku heshiiyeen inay soo celiyaan dhammaan xiriirkii bishii May kadib dhexdhexaadintii Qadar.

Xiriirka labada dal ayaa ahaa meeshii ugu hooseysay sideedii bilood ee la soo dhaafay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu xiriirka u jaray Kenya December 2020, kadib markii uu ku eedeeyay Nairobi inay faragelin ku heyso doorashada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online