4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 9 , 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Farmaajo iyo Rooble
 

Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen aalada fogaan araga waxay kaga hadleen xaaladahii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegay in lagu lafaguray khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay labada masuul ee dalka ugu sareysa iyo saameynta ka dhalan karta, maadama lagu gudajiro waqti xasaasi ah oo dalka wajahayo doorashooyin.

Ridwaan Xirsi oo ka mid ah Golaha Musharaxiinta ayaa sheegay in Midowga ay taageereen go'aankii Raysal wasaare Rooble ee ahaa dardar galinta howlaha doorashooyinka dalka iyo heshiisyada hay'addaha dowladda galayaan gudaha iyo dibadaba.

kulanka Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxaa la sheegay iney uga hor yimaadeen doorashadii guddiga garabka Raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ay isku doorteen magaalada Muqdisho.

Kulanka golaha Musharaxiinta madaxweynaha ayaa imaanaya xili habeen ka hor Madaxweyne Farmaajo uu soo saaray qoraal uu hay’adaha dowladda kaga joojinayo inay heshiisyo galaan, hayeeshee shalay gelinkii dambe Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qoraalka kasoo baxay madaxweynaha, laguna sheegay in Xukuumadda ay awood u leedahay iney gasho heshiisyo kasto oo aan dalka waxba u dhimeyn.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]