4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 9 , 2021
Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in la hagaajiyo xiriirkii xumaaday ee labada dal

Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la wanaajiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee xumaaday kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, mas’uuliyiinta labada dal.

Wafdiga Kenya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Raychelle Omamo ayaa wadahadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sida lagu sheegay war -saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, dowladdaha deriska ah waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirkooda gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga iyo amniga.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu daray in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu casuumaad u fidiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si uu u soo booqdo Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in muranka badda ee u dhexeeya labada dal ay go’aamin doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee  ICJ, in kasta oo Kenya ay dhowr jeer ka codsatay in xal laga gaaro maxkamadda.

Soomaaliya ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya bishii December ee sannadkii hore sababo la xiriira sheegashada faragelinta siyaasadeed ee Kenya ay ku haysay arrimaha Soomaaliya, eedeyntaas waxaa beenisay xukuumada Nairobi.

Kenya ayaa ka mid ah waddamada gacan ka geystay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online