4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 9 , 2021
Wasiir kamid ah maamulka Puntland oo saakay u geeriyooday cudurka Covid19
 

Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenkii wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka maamulka Puntland, Asad Xuseen Xaashi ayaa saakay magaalada Garowe ugu geeriyooday cudurka Covid19, sida ay HOL u sheegeen masuuliyiin katirsan Puntland.

Wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay u jiifay caabuqa Covid19, waxaana ku dhagay naqaska, ka hor inta aan lagu xirin mishiinka dadka ka caawiya hawo qaadashada.

Waxaa la qorsheynayay in maanta loo qaado dalka dibeddiisa, balse Saaka ayuu ku geeriyoodey isbitaalkii xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay, kadib markii xaaladdiisu cuslaatay.

Puntland waxay kamid tahay meelaha uu dib cudurka ugusoo labo kacleeyay. Dad tiro ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay u geeriyooday. Dadkuse weli kuma baraarugsana halista cudurka.

Waa wasiirkii saddexaad oo Puntland katirsan oo Covid19 u geeriyooda. Horey waxaa cudurka ugu geeriyooday sanadkii hore, wasiirka deegaanka Puntland iyo wasiir udowlihii xiriirka golayaasha ee madaxtooyada Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online