4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Wafdi ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha Dibadda Kenya oo goordhaw soo gaartay magaalada Muqdisho
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha Dibadda dalka Kenya Raychelle Omamo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Wafdiga wasiirka aarimaha Dibadda dalka Kenya waxaa garoonka diyaadaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Ujeedka socdaalka wasiir Raychelle Omamo ay ku timid magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya si gaar ah ganacsiga iyo isku socodka labada Shacab.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa si gaar gaar ula kulmi doonta, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, Raysal wasaare Rooble iyo waliba madaxweyne Farmaajo oo la sheegayo iney salaan ugu tagi doonto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]