4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo hay'adda dowladda ka joojiyay in ay heshiisyo galaan inta doorashada lagu jiro
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wareegto caawa kasoo baxday  xafiiskiisa waxaa hay’adaha Dowladda looga joojiyay in ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay isagoo tixgalinaya habsami u socodka doorashada inuu hakiyey ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in ay reebban tahay, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale wareegtada madaxweynaha lagu sheegay in heshiis ama is-afgarad ganacsi aan lala gali karin dowladdo inta doorashooyinka lagu  jiro.

Hoos ka aqriso  wareegtada kasoo baxay xafiiska madaxweynaha:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online