4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 6 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya ganacsade Xalay lagu dilay magaalada Baledweyne
 

Jimco, Agoosto, 6, 2021 (HOL) - Waxaa Xalay lagu dilay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Cumar Yuusuf Cali oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada Baledweyne.

Dilka ganacsadaha ayaa ka dhacay agagaarka Buundada Liqliqato ee magaalada Baledweyne, waxaana la sheegay iney geysteen kooxo hubeysan oo si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen marxuumka.

Lama oga cida dishay iyo waliba sababta ka dambeysa dilka ganacasadaha Xalay loogu geystay Magaalada Baledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka lagu dilay marxuumka, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay goobta lagu dilay ganacsadaha walow aysan jirin cid ay usoo qabteen dilka ganacsadaha loo geystay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]