4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 5 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo isku afgartay waqtiga lasoo gabagabaynayo doorashada aqalka sare
 

Khamiis, Agoosto, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta shir guddoominayay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay kulan uu la yeeshay Madasha Qaran oo ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan arrimaha doorashada aqalka sare asbuuca soo socda.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay in ay madasha ku heshiiyeen in ay isugu yimaadaan kulan looga arinsanayo sidii horey loogu sii ambaqaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaasi ka sheegay inuu dadaal dheer ku bixiyay xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ay kala hogaaminayeen guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Wuxuu sheegay raysal wasaaruhu inuu baabi'iyay doorashooyinka labada garab ee guddiga doorashada Somaliland islamarkaana uu go’aan ku gaaray in doorasho cusub la guda galo, guddiguna ay dhexdooda is ka doortaan cidda hoggaaminaysa doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhinaca golaha  xukuumada uga warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay magaalada London iyo shirkii caalamiga ee Waxbarashada ee uu ka qeyb galay iyo kulankii uu la qaatay Ra’isul Wasaaraha dalka Britian Boris Johnson.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online