4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo warbixin kasoo saaray xadhiga Coldoon
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyay xadhiga 19 bishan xukuumada Somaliland ugu gaysatay magaalada Burco Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ku andacooday in jaamacadda Barwaaqo oo katirsan Shabakada Abaarso lagu faafiyo diinta Masiixiga.

"Kulankii guddida SOLJA oo maanta qabsoomay waxa aad loogu falanqeeyay xadhiga Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo 19 bishan lagu xidhay magaalada Burco, oo anagu SOLJA ahaan aanu u aragno xadhig aan sharci loo marin isla markaana waxkasta oo sharciga baalmarsan waxanu u aragnaa xaaran" sida waxa yidhi guddoomiyaha SOLJA Sakariye Axmed Muxumed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay haboonaynd in hadii cidi kasoo cabatay oo loo baahday in la xidho Coldoon in loo maro wado sharci ha, oo hay'ada sharcigu waaran xidhitaan soo saaraan, waxa kale oo uu inta ku daray in ay kasii wanaagsanan lahayd in iyada oo aan la xidhin dacwad lagu soo oogo.

Coldoon oo 19 bishan laga qabtay xafiisa shaqo oo ku yaala magaalada Burco, ayaa wali xabsiga ku jira, waxaana loo haystaa in uu ka been abuuray macalimiinta dugsiyada Shabada Abaarso oo uu ku eedeeyay in ay diinta Masiixa ardayda ku dhex faafiyaan.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]