4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Xisbiga Sinaanta iyo Xoriyada ee degaanka Soomaalida oo qaadacay doorashada dhawaan degaanka ka dhacaysa
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - War murtiyeed uu goor dhawayd soo saaray Xisbiga Sinaanta iyo Xoriyadda ayaa lagu sheegay inay qaadaceen oo ay ka baxeen doorashada degaanka Soomaalida ka dhici doonta dhawaan.

Haddaba xisbigu sababaha uu u qaadacay doorashada waxa uu ku sheegay in Guddida Doorashooyinka heer Qaran go'aankii uu dhawaan soo saaray uusan u dhigmin wixii ay horey uga cabanayeen, oo ahaa waxa ay ku tilmaameen wax is dabamarin iyo musuq dhacay xiligii hore ee la bixinayay kaarasha codbixinta.

Guddida Doorashooyinka ee dalka ayaa dhawaan shaaciyay in goobo gaar ah oo ay ku jirto caasimadda Jigjiga lagu celin doono qaadashada kaarasha cod bixinta.

War murtiyeedka Xisbiga ayaa u qornaa sidan:-


Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]