3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Somaliland: Baabuurta dadweynaha oo caymis lagu soo rogayo
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 15 bisha Sebtember uu caymis ku waajibi doono dhamaan baabuurta kasoo daga Dekedda Berbera iyo baabuurta waa wayn ee xamuulka qaada.

Kulan saddex geesood ah oo ay magaalada Berbera ku yesheen madaxda Hay'ada Caysmiska Somaliland, madaxda gobolka Saaxil iyo maamulka Dekedda Berbera, ayaa lagaga dhawaaqay go'aanka waajibinta caymkska gaadiidka.

"Waxa la samaynayaa 15 maalmood oo wacyi galin ah oo bari ka bilaabmaysa, 15 ka bisha sagaalaad oo Arbaco ku beeg  na waxa bilaabmaya caymiskii, oo ku waajibaya gaadiidka soo dagaya iyo gaadiidka dekedda galaya ee shaqaynayaba" sida waxa yidhi guddoomiyaha hay'ada caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari.

Caymiska ayaa sahli doona in baabuurta xamuulka ee Somaliland ay si xor ah ku socon karaan dhamaan dhulwaynaha Itoobiyaha, ganacsiga Somaliland iyo Itoobiyana isku furmi doono sida laga soo saaray shir ay hay'adaha caymiska Somaliland iyo Itoobiya yeesheen 25 kii bishan Ogoosto.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/31/2021 5:22 PM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida Cali Badal oo warbaahinta la hadlayay ayaa shacabka degaanka ugu baaqay inay maalinta barri ah oo Arbaca ah taariikhduna ku beegan tahay 1 September 2021 ay qaataan kaarka codbixinta.

8/31/2021 2:26 PM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyay xadhiga 19 bishan xukuumada Somaliland ugu gaysatay magaalada Burco Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ku andacooday in jaamacadda Barwaaqo oo katirsan Shabakada Abaarso lagu faafiyo diinta Masiixiga.

8/31/2021 2:19 PM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - War murtiyeed uu goor dhawayd soo saaray Xisbiga Sinaanta iyo Xoriyadda ayaa lagu sheegay inay qaadaceen oo ay ka baxeen doorashada degaanka Soomaalida ka dhici doonta dhawaan.

8/31/2021 11:12 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Xalinta khilaafaadka, kuwaas oo ka wada hadlay geedi socodka doorashada.

8/31/2021 10:12 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Baadhitaan lagu sameeyay laabka biyaha ee Wakaalada Biyaha ee Hargaysa, ayaa lagu ogaaday in biyaha loo yaqaano "Mooya-saxada" ee lagu sifeeyo gudaha Somaliland anay u dhamaystirnayn macdanihii loo baahnaa, isla markaana ay ku jiraan noola yaasha ili ma qabatay ga ah sida bakteeriyada.

8/31/2021 5:56 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah kordhiyay joogitaanka hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waxaana laga dhigay illaa 31 May 2022.

8/31/2021 5:50 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa albaabada isugu laabtay xarunta dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan Muqdisho laga furay.

8/31/2021 2:41 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney soo afjartay joogitaankeedii Militari ee dalka Afghanistan, iyadoo diyaaradahii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka Afghanistan saqdii dhexe ee xiliga Kabul.

8/31/2021 1:59 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud oo isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay gobolka Galgaduud.

8/31/2021 1:21 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo u jawaabay Sheekh Cabdirisaaq Jiir, oo codsaday in lasii daayo Cabdi Maalik Muuse Coldoon, ayaa sheegay in xukuumadu diinta ilaalinayso qofkii khaldamana la xidhi karo.

8/31/2021 1:10 AM EST
Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa mar uu ka hadlayay shir loo qabtay qaybaha kala duwan ee haweenka magaalada Jigjiga ka hadlay arrinta sicir bararka oo ahayd mid muddooyinkii u dambaysay degaanka saamayn wayn ku yeelatay.