4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Somaliland: Baadhitaan lagu sameeyay biyaha sifaysan oo lagu ogaaday in ay caafimaadka wax yeelayaan
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Baadhitaan lagu sameeyay laabka biyaha ee Wakaalada Biyaha ee Hargaysa, ayaa lagu ogaaday in biyaha loo yaqaano "Mooya-saxada" ee lagu sifeeyo gudaha Somaliland anay u dhamaystirnayn macdanihii loo baahnaa, isla markaana ay ku jiraan noola yaasha ili ma qabatay ga ah sida bakteeriyada.

Kadib markii la ogaaday in biyaha lagu sifeeyo gudaha Somaliland ay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada, isla markaana anay gaadhsiisnayn heerkii looga baahnaa, ayaa wakaalada biyaha, oo kaashanaysa wasaarada caafiimadka ay maanta iskugu yeedhay dhamaan madaxda shirkadaha biyaha soo saara.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen saraakiil caafimaad, saynis yahano iyo khuburo kale, ayaa lagu sheegay in la doonayo in dib u sixid lagu sameeyo habka loo sifeeyo biyaha ay soo saaraan shirkadaha waddaniga ah.

"Biyaha mooyo-sexooyinku waa biyo ku jira heer kii lacabi kari lahaa, lakin u jeedadu waxa weeyaan macdanaha biyaha ku jira ee markii la baadhay la ogaaday in ay ku yaryihiin, ama  wax yaabaha kale ee kasoo baxay sida bakteriyada in layskaga yimaado oo la wada saxo"sida waxa yidhi Mareeyaya Wakaalada Biyaha Hargaysa Maxammed Cali Daarood.

Shacabka Somaliland ayaa shaki badan ka qabay tayada biyaha lagu sifeeyo gudaha Somaliland, waxayna qaar badan oo kamid ahi kuu sheegayaan in ay kalyo xanuun ka qaadeen isticmaalka biyaha sifaysa, waxanad arkaysa dad badan oo kuu sheegaya in ay iska daayeen isticmaalka biyahan kadib markii ay caafimaad kooda uga baqeen.

Abdilahi Abdirahman Mohamed , Hiiraan Online
[email protected]