4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo kordhiyay howlgalka UNSOM ee Soomaaliya
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah kordhiyay joogitaanka hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waxaana laga dhigay illaa 31 May 2022.

Bayaan kasooo baxay golaha ayaa waxaa kaloo lagu go’aamiyay in UNSOM ay sii waddo isku-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, iyadoo la kordhinayo hababka iyo barnaamijyada wadajirka ah, iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Golaha ammaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqday Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay abaabulaan doorashooyin xor ah, xalaal ah, lagu kalsoonaan karo, si waafaqsan heshiisyadii 17kii Sebtember 2020 iyo 27kii May 2021 iyada oo aan dib u dhac kale la sameynin.

Waxaa sidoo kale golaha ammaanku ku booriyay Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo amni oo ku habboon doorashooyin loo dhan yahay oo ka dhaca guud ahaan Soomaaliya.

Dhinaca amniga, Goluhu wuxuu si kulul u cambaareeyay weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab waxayna ku boorisay maamulada Soomaaliya, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Qaramada Midoobay inay si dhow uga shaqeeyaan xoojinta amniga xarumaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika iyo shaqaalahooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online