4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Dowladda Soomaaliyeed oo albaabada isugu laabtay xaruun dumarka loogu sameyn jiray qalliino is qurxin ah
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa albaabada isugu laabtay xarunta dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan Muqdisho laga furay.

Tallaabada lagu xiray xaruntaan ayaa ka dambeysay kaddib markii ay sameysay qalliimo dadka jirkooda wax looga beddelayay, sida dumarka oo farruuryaha loo durayay iyo qeybaha kale ee jirkooda.

Shaqooyinka ay xaruntaan qaban jirtay ayaa lagu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda shareecada islaamka, dhaqanka suuban, islamarkaana ay halis caafimaad keeni karaan qalliimada ay sameynayaan.

Agaasimaha arimaha bulshada Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, ayaa sheegtay dowladdu in aysan raalli ka ahayn in dumarka Soomaaliyeed lagu sameeyo qalliino aysan ogayn natiijadooda waxay noqon karto.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sharciga la tiigsandoonto dadka furay xaruntaan, waxaana laamaha amniga lagu wargaliyay in ay soo xiraan mulkilaha iskalahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii gabdho qalliin looga sameeyay farruuryaha ay kasoo muuqdeen baraha bulshada, iyagoo ku faanaya in ay ku faraxsan yihiin isbedel lagu sameeyay qeyb kamida jirkooda.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa caro ka muujiyay arrintan, waana midda soo dedejisay in xaruntaan albaabada loo laabo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online