4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo ka hadlay xadhiga Coldoon
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo u jawaabay Sheekh Cabdirisaaq Jiir, oo codsaday in lasii daayo Cabdi Maalik Muuse Coldoon, ayaa sheegay in xukuumadu diinta ilaalinayso qofkii khaldamana la xidhi karo.

Sheekh Jiir oo kamid ah culimada kulan diimeedyadu uga socdaan Somaliland ayaa yidhi "Waa nala dhibay dadkii ayaa na leh maxay uga hadli waayeen ninka Coldoon ee Kiristaamaynta ka hadlayay, waxanu madaxweynaha ka codsanaynaa madaama oo ninkaasi diin nagaga gabaday in lasii daayo".

Wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil oo isna fadhiyay munaasibada uu Sheekh Jiir codsiga ka jeediyay, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland heegan ugu jirto ilaalinta diinta Islaamka, isla markaana ay danbi tahay in diin aan ta Islaanka ahayn lagu faafiyo Somaliland taa badalkeeda qofkii danbi galana la xidhayo.

"Diinta cid walba anaga ayaa uga lexejeclo badan ilaalinteeda, idiinma sheegno shaqadaanu hayno, inta qof ee diinta ku khaldamee laga saaro dalka la idiinma tiriyo, dalkan diinta Islaamka diin aan ahayn in lagu faafiyaa waaba danbi, qofku haduu khaldamo yaan la xidhin meela kuma taalo adduunka" ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa xukuumada Somaliland xabsiga dhigtay kadib markii uu ku andacooday in dugsiyada Shabakada Abaarso lagu faafiyo diin  aan ta Muslinka ahayn, waxaanu wajahayaa eedo ah in uu faafiyay warar aan xaqiiqo ahayn.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]