4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Beerta kobcinta dhirta iyo dabeecada oo Somaliland laga hirgalinayo
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaacil (Saylici), ayaa dhagax dhigay beer lagu tayayn doono dhirta iyo dabeecada, oo laga hirgalinayo deegaanka Geed-deeble ee duleedka waqooyi ee magaalada Hargaysa.

Khadra Cumar Xasan oo ah haweenay u dhaq dhaqaaqda xuquuqda haweenka iyo la dagaalada gudniinka hablaha, isla markaana muddo dheer ka shaqaynaysay hirgalinta beertan, ayaa sheegtay in beerta lagaga shaqayn doono soo celinta dalxiiska, dhirta iyo dabeecada.

"10 sano kahor ayaanu bilownay olloleheeda, maanta waxaynu ka shaqaynaynaa xuquuqdi dhulka iyo  deegaanka, waxa laga heli doona dhamaan waxa dhir ka baxda Somaliland iyo Geeska Afrika, waxay noqon doonta meel soo celisa wuxu aha dalxiiskii Somaliland " ayay tidhi Khadra.

"Waa meel lagu samayn doono cilmi-baadhis, waxay yeelan doonta meel dadku u dalxiis yimaadaan, waxay yeelan doonta beer caafimaad, beerta dhagaxaanta, beertii shimbiraha, dhaqaalah ayayna kor u qaadi doonta" ayay hadalkeeda ku dartay Khadra.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri X. Ismaaciil Bandare, ayaa sheegtay in beertani noqonayso ta ugu wayn Geeska Afrika ee ilaalinta dhirta iyo deegaanka.

"Mashruucan waxa iskaleh qaranka, waa lagu nuux nuux saday, wuxu noqonayaa ka ugu wayn ee ugu wanaagsan Geeska Afrika, Somaliland maanta geeska ayay la tar tamaysa, marka la tar tamayo meel soke maaha" ayay tidhi wasiir Bandare.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in Somaliland dalalka dariska kula tar tamayso dalxiisa iyo deegaan wanaaga, waxaanu sheegay in beertani noqonayso tii saddexaad ee laga hirgaliyo Geeska Afrika.

"Waxaynu ku tar tamaynaa maanta in Geeska Afrika aynu noqono dalkii saddexaad, sida la sheegay hore ayay Itoobiya uga jirtay, inagana ay maanta inoo bilaabantahay, waa in aynu noqono dad tartanka ka qayb gala" ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Saylici.

Beertan oo lagu magacaabo Geed-deeble Botanic Garden, ayaa noqonaysa tii saddexaad ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo gobolka Geeska Afrika, waxaana hore beero noocan oo kale ah u lahaa waddamada Sudaan iyo Itoobiya.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]