3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Wasiirka Amniga Galmudug oo digniin u diray dadka lagacaha siiya Al-shabaab
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay isla meel dhigeen iskaashiga sidii loo soo afjari lahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Koofurta maamulka Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland iyo Galmudug ay ka wada go'an tahay la dagaalanka Al-shabaab oo u sheegay in awoodooda ay tahay mid aad u liidata.

"Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaalo Al-Shabaab looga dilay in ka badan 250 dagaalyahan, dhawaana waan la soo afjari doono dagaalada aan kula jirno" ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Gabagabadii wasiirka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay dadka shacabka ah ee lacagaha siiya dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana sheegay in dadkaasi lala xisaabtani doono.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa dagaalo aad u qaraar ay ku dhexmarayeen deegaanada Galmudug ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo kuwada loolamaya gacan ku heynta deegaano ka tirsan Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/30/2021 12:52 PM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka kasoo baxay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

8/30/2021 12:49 PM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

8/30/2021 9:52 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo horay uga tirsanaan jirtay hay'adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed ayaa markale si dareen leh uga hadashay maqnaashaha gabadheeda.

8/30/2021 9:39 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday inay 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay sarkaal katirsan kooxda Daacish.

8/30/2021 9:06 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa maanta ka hor yimid dalab ka yimid ururada siyaasada Puntlad, kuwaas oo doonaya in dib loo dhigo doorashooyinka dowladdaha hoose ee nidaamka xisbiyada Puntland.

8/30/2021 3:27 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaacil (Saylici), ayaa dhagax dhigay beer lagu tayayn doono dhirta iyo dabeecada, oo laga hirgalinayo deegaanka Geed-deeble ee duleedka waqooyi ee magaalada Hargaysa.

8/30/2021 3:16 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hrshabeelle Cali Guudlaawe oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah maamulkiisa u bilaabi doonaan doorashada xubnaha ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya.

8/30/2021 1:59 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Safaaradda Indonesia ee Nairobi ayaa ku guuleysatay inay dib u soo celiso 12 shaqaale oo u dhashay dalkeeda, kuwaas oo muddo ka badan siddeed bilood ku xayirnaa markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Liao Dong Yu oo ku sugnaa xeebaha Puntland.

8/30/2021 1:35 AM EST
Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Doorashooyinka Puntland ee nidaamka xisbiyada badan ayaa qatar ku jira qabsoomidooda kaddib markii ururrada siyaasada ay dalbadeen in doorashada dib loo dhigo, iyagoo ku sababeeyay in aanay haysan dhaqaalihii ay doorashada ku gali lahayeen.