4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Indonesia oo ku guulaysatay in dib usoo celiso shaqaale kalluumaysi oo dalkeeda u dhashay oo ku xanibnaa xeebaha Puntland
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Safaaradda Indonesia ee Nairobi ayaa ku guuleysatay inay dib u soo celiso 12 shaqaale oo u dhashay dalkeeda, kuwaas oo muddo ka badan siddeed bilood ku xayirnaa markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Liao Dong Yu oo ku sugnaa xeebaha Puntland.

Danjiraha Indonesia Kenya, Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo M Hery Saripudin ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha markabka ay ku shaqeynayeen xaalado nololeed oo aad u liitay.

Safiirka ayaa sheegay in shaqaalahaan oo qandaraasyada ay ku shaqeynayeen uu dhamaaday horraantii 2021, ay shirkadaha shaqaaleysiisay ku qasbeen inay ku shaqeeyaan cadaadis.

Habka dib loogu soo celinayay shaqaalahan u dhashay dalka Indonesia waxay bilaabatay subaxnimadii Axadda, Ogosto 22, 2022 kaddib markii doonyo yar loogu diray xeebta magaalada Xaafuun ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

27kii Ogosto 2021, ayay shaqaalahaan ka ambabaxeen Soomaaliya kuna sii jeeday Indonesia iyagoo sii maray Addis Ababa, Itoobiya, waxayna dalkooda gaareen Sabtidii 28ka Ogost.

Saddex ka mid ah shaqaalahan oo lagu kala magacaabo, Irvandi Wabula, Riki Rikardo iyo Valentino Vrangklen Lontaan, ayaa isla markiiba ay dalkooda tageen waxaa loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online