4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Somaliland: Dad u dhintay caabuqa Covid-19 oo dib usoo laba kacleeyay
 

Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

"Bishan aynu hada ku jirno 140 ayaa xanuunka laga helay, bishii ka horeysay waxay ahayd Kaliyaata 27 qof, tii kasii horeysay 22, qof marka waxan dareemi karnaa in uu koru kac aad ihi jiro, dhimashaduna ilaa hada waxay maraysa 5 qof" sida waxa yidhi wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi.

Wasiirka ayaa sheegay in kor u kaca wajiga saddexaad ee caabuqa Covid-19 uu qiyaas ahaantii 5% kor u kac sameeyay maalmahan u danbeeyey , marka laga qiyaas qaato tirada guud ee dadka la baadhay iyo inta caabuqa laga helay.

"Maalmahan u danbeeyay xaaladaha xanuunka Covid-19 kor bay usoo kacayeen, shalay oo u danbaysay dadkii la baadhay oo ahaa 400 waxa laga helay 20 oo macnaheedu tahay 100 kii qof 5 qof ayaa qaba, arrintaasi waa arrin war war abuuraysa oo waajib ka dhigaysa in lala dagaalamo"  ayuu yidhi wasiirku.

Wajiga saddexaad ee caabuqa Covid-19 ayaa ka dilaacay gudaha Somaliland, inkasta oo aan la ogayn in uu yahay nooc cusub iyo in kale sida wasaarada caafimaadku sheegtay, wajiga saddexaad ee caabuqa ayaa aad u khatar badan sida lagu ogaaday waddamada uu ku dhuftay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]