11/29/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Dowladda Soomaaliya oo dalka Turkiga tababar ugusoo xirtay 49 hablood oo katirsan booliiska Haramcad


Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)  ayaa dalka Turkiga tababar ugu soo xiray 49-gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Taliyaha Booliska oo ka hadlayay munaasabada tababarka lagusoo xirayay, ayaa sheegay gabdhuhu in ay qaateen tababar heerkiisu sareeyo, oo qeyb ka qaadan doona dadaalka lagu xoojinayo dhismaha iyo tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliya.

“Tababarkan wuxuu kamid yahay, tababarada howlgallada qaaska ah loo isticmaalo. Dufcada gabdhahani waa dufcadii ugu dambeysay ee uu tababarkani usoo xirmay,” ayuu yiri taliye Xijaar.

Waa cutubkii ugu horreeysay oo Gabdho ah kana tirsan ciidanka Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramacad oo tababar kusoo qaata dalka Turkiga, iyadoona horey dalkaas ay tababar ugu soo qaateen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Haramcad iyo kuwa Gorgor.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadan dib ugusoo celinaysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgallada Haramcad.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/29/2021 10:56 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

8/29/2021 8:30 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Dagaal ka bilaabmay duleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba ay ka dheceen.

8/29/2021 8:17 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta hub iyo gaadiid dagaal ku wareejisay maamulka Galmudug oo dagaal xooggan kula jira ururka Alshabab, dagaalkaas oo ka socda deegaannada koonfurta Mudug.

8/29/2021 7:24 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si faahfaahsan uga hadlay baajinta xiisadii magaalada Baledweyne ka taagneyd iyo heshiis hordhac ah oo laga gaaray arintaasi.

8/29/2021 4:32 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - 40 qof oo Soomaali ah oo tahriibayaal ah ayaa lagusoo waramayaa in ay muddo dhowr cishe ah ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania, iyagoo loo diiday in ay safarkooda sii wataan.

8/29/2021 2:18 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP.

8/29/2021 1:49 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.