4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Somaliland : Ciidamo u daatay guriga Cabdimaalik Muuse Coldoon
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Somaliland ee magaalada Burco, ayaa saaka subixi u daatay guriga Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee magaalada Burco, waxayna guriga ku sameeyeen baadhis.

"Saaka salaadi subax anaga oo ku jirna ayay ciidamo RRU iyo booliis iskugu jiraa korka nooga soo daateen, albaabka ayay si khasab ah noogu soo jabiyeen, ciyaalkii bay kala tuur tuureen, guriga oo dhan ayay baadheen, gurigii oodhan ayay rogeen" sida waxa warbaahinta u sheegtay Kowsar Abokor Axmed oo ka tirsan qoyska Coldoon.

"Guriga waxa joognay aniga, xaaska Cabdimaalik iyo labada ciyaala, marka maxay tahay sababta waxan oodhan loo samaynayo ee argagixisada loo galinayo ciyaalka?, anaga oo salaadi ku jirna ayaa guriga dhakada nalooga soo daatay halmar uun baanu aragnay iyada oo askartii guriga dhex yaacayso" ayay Kowsar hadalkeeda ku dartay.

Coldoon, ayaa Ciidamada Booliiska Somaliland, ka xidheen xafiiskiisa shaqada ee magaalada Burco, 19 bishan, isla markaana Maxkamada Gobolka Maroodijeex, ayaa todobaad xabsi kusii hayn ah u jartay Isniintii lasoo dhaafay.

Coldoon ayaa loo badinayaa in loo xidhay qoraalo uu ku sheegay in dhaqamo aan diinta Islaanka waafaq sanayn lagu faafiyo ardayda wax ka barata dugsiyada Shabakada Abaarso. Waalidiinta ardayda Abaarso ayaa dhankooda sheegay in ay maxakamad la tiigsanayaan Coldoon, hase yeeshee wali xukuumada Somaliland may caddayn eedaha rasmiga ah ee loo haysto.

Abdilahi Abdirahman Mohamed , Hiiraan Online.
[email protected]