3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Maraykanka oo duqayn ku dilay saraakiishii Daacish ee qorsheeysay weerarkii ismiidaaminta ee garoonka diyaaradaha Kabul
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Maraykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah ku dilay madaxii Daacish ee qorsheeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee khamiistii ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan.

Duqayntan ayaa dhacday in ka yar 48 saacadood kadib markii weerarkaas ismiidaamin ah lagu dilay in ka badan 160 qof oo reer Afghanistan ah iyo 13 ka tirsan ciidamada milatariga Mareykanka.

Weerarka, oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, ayaa ka dhacday Gobolka Nangahar ee ku teedsan soohdinta bari-dhexe ee dalkaas. Gobolkaas wuxuu qiyaastii u jiraa 125 mayl bariga magaalada Kabul.

ISIS Khorasan (ISIS-K), oo ah farac gobol oo ka tirsan ururka Daacish, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 25-kii Ogosto ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul.

Bayaanka kooxda kasoo baxay ayaa looga digay weeraro dheeraad ah oo soo socda.

Weerarka cirka ee lagu dilay qorsheeyihii ISIS-K ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu ballanqaaday inuu ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay qaraxii Khamiistii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/28/2021 12:37 PM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Mudo 48 saacadood ah oo kulamo wadatashi ah oo xal loogu raadinayay xiisad ka taagneyd magaalada Baledweyne mudo todobaad ah ayaa galinkii dambe ee maanta heshiis hordhac ah laga gaaray.

8/28/2021 10:37 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan khamri tiradiisu dhantahay 805 litir, ciidanka ayaa sidookale gacanta ku dhigay qayb kamid ah dadkii siday iyo baabuurtoodi.

8/28/2021 7:59 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Somaliland ee magaalada Burco, ayaa saaka subixi u daatay guriga Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee magaalada Burco, waxayna guriga ku sameeyeen baadhis.

8/28/2021 3:43 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Somaliland ayaa si ku meel gaadha ciideeda u dajinaysa tiro qoxooti reer Afghanistan ah, oo dowlada Maraykanku kasoo daad guraysay dalka Afghanistan kadib markii kooxda Taliban la wareegtay dalka.

8/28/2021 3:29 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo dhaqangelinta howlgallada wadajirka ah ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), si kor loogu qaado amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee 2021.

8/28/2021 2:43 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Uganda ayaa sheegtay Jimcihii inay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo lala beegsan lahaa aas qaran oo loo sameeynayay taliye sare oo katirsanaan jiray AMISOM oo hogaaminayay weerarkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho sannadkii 2011.

8/28/2021 2:17 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ay yeesheen waxay heshiis kaga gaareen arrimaha amniga iyo ganacsiga, sida lagu sheegay war murtiyeed kasoo baxay shirkaas oo ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

8/28/2021 1:17 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciyaar adag oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku dhex mari doontaa garoonka Anfield, kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo labadii kulan ay horay u soo ciyaareen soo wada badiyay.