4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo heshiis ka gaaray arrimaha amniga iyo la dagaalanka manadooriyaha
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ay  yeesheen waxay heshiis kaga gaareen arrimaha amniga iyo ganacsiga, sida lagu sheegay war murtiyeed kasoo baxay shirkaas oo ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Shirkan intii uu socday ayaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga labada dhinac lidka ku ah, sida hubka iyo maandooriyaha.

Wada xaajoodka labada dhinac ayaa kusoo aadaya, iyadoo Puntland ay ka cabanaysay maandooriyaha qamriga oo kasoo gala dhinaca dowlad deegaanka, halka dowlad deegaanku uu ka cabanayay hubka iyo waxyaabaha qarxa oo dhinaca Puntland lagasoo galiyo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online