4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo ciyaari doono kulan adag oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciyaar adag oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku dhex mari doontaa garoonka Anfield, kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo labadii kulan ay horay u soo ciyaareen soo wada badiyay.

Naadiyadaan xafiiltanka adag uu ka dhaxeeyo ayaa min lix dhibcood waxay dhanka hore oga hoggaaminaayo horyaalka, waxayna ku tartamayaan cidii qaban laheyd hoggaanka horyaalkaan bilowga ah.

Kooxda lagu naaneyso The Blues ee Chelsea oo sannadkaan ku soo guuleysatay koobabka kooxaha Kubadda Cagta Yurub ee UEFA Champions League iyo UEFA Super Cup, ayaa waxay maanta marti u tahay naadiga The Reds ee Liverpool oo xilligaan ah kooxda kaliya ee aanan laga badinin 13 kii kulan ee ugu dameyay ee horyaalka Ingiriiska ay ciyaartay.

Chelsea ayaana aheyd kooxdii ugu dambeysay ee kabadisay Liverpool ciyaar ka dhacday guriga Reds oo ku dhammaatay Hal iyo Ebar, 4-tii bisha Maarso ee sannadkaan.

Dhanka kale wuxuu loolan adag oo muddo dheer soo jiray uu ka dhaxeeyaa labada tababare ee kala hoggaaminaayo kooxahaan, kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo wada jeedo dalka Jarmalka.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp iyo Macallinka Chelsea, Thomas Tuchel ayaa waxay horay u soo tababareen kooxo isku mid ah oo ka dhisan dalkooda.

Jurgen Klopp wuxuu tababaro u ahaa kooxda Mainz 05 oo Jarmalka ka dhisan intii u dhaxeysay 2001–2008 oo uu aaday kooxda Borussia Dortmund, balse markii uu ka tagay Mainz waxaa loo dhiibay kooxdaas Thomas Tuchel.

Sidoo kale Borussia Dortmund wuxuu ka tagay tababare Klopp sannadii 2015-kii oo Liverpool uu ku soo biiray, waxaana xilligaas beddelay Macallin Tuchel oo naadigaas tababare u noqday.

Macallimiintaan intey tababarayaasha ahaayeen waxay wada ciyaareen 14 kulan, 9 ka mid ah waxaa badiyay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp, 2 ciyaar waxaa badiyay tababaraha Chelsea Thomas Tuchel halka 3-da kulan ee kalana ay bareejo galeen.

Toban (10) ka mid ah ciyaarahaas waxay wada ciyaareen intii ay joogeen horyaalka Bundesligaha Jarmalka xilligaasoo Tuchel uu tababaraayay kooxda Mainz halka Klopp-na uu laylinaayay naadiga Borussia Dortmund.

Ciyaartaan ay maanta iskaga hor imaanayaan tababarayaashaan ayaa noqoneyso kulankii labaad ee ay wada ciyaaraan intii ay joogeen horyaalka Ingiriiska, iyadoo kulankii ugu dambeysayna ay badisay kooxda Chelsea bishii Maarso ee sannadkaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]