4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 27, 2021
Weerar dad beeraleey ah lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kabxanleey oo dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar Maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen dad beeraleey ahaa oo ku sugnaa deegaankaasi.

Weerarka ka dhacay deegaanka Kabxanleey ayaa sheegaya iney ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka beeraleyda ahaa ee lagu soo qaaday weerarka gaadmada ahaa sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaankaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka lagu dilay ilaa 5 ruux oo ka mid ahaa beeraley ku guda jiray tacbashada beerahooda, islamarkaana tiro kale oo ku dhaawacantay weerarkaasi loo soo qaaday Isbitaalka weyn ee magaalada Baledweyne.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay weerarkan shanta qof ee ka mid ka ahaa dadka beeraleeyda Kabxanleey lagu dilay kuwa kalana lagu dhaawacay, inkastoo dhowr jeer oo hore weeraro ceynkan oo kale ah lagu dilay dad beeraleey ahaa oo ku noola deegaanka Kabxanleey oo dhanka Waqooyi kaga beegan Baledweyne.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaankaasi ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo iyo abaabulo la xiriira xisad dagaal laga dareemayo deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]