6/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 27, 2021
Galmudug oo beenisay in Alshabaab ay dib u qabsadeen deegaannada Bacaadweyne iyo Camaara
 

Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa beeniyay wararka sheegaya in ururka Alshabaab ay dib ula wareegeen deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta oo BBC Somali wareysi siinayay, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa dacaayad ah oo Alshabaab ugu talo galeen in ay ku niyad jabiyaan shacabka Galmudug iyo dedaalada socda.

Axmed Shire Falagle wuxuu sheegay in aanay jirin sabab ay ciidamada Galmudug ugasoo baxaan magaalooyinka ay qabsadeen islamarkaana wuxuu tilmamaay in ay hadda ku howlan yihiin sidii ay ciidamadu horay ugu socon lahaayeen.

“Saacaddaha soo socda, waxaan ummadda la wadaagi doonnaa meelaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyo howlgallada aynu wadno. Waxaan idiin xaqiijijinaynaa in aanay jirin hal ceel oo cadowgu naga qabsaday," ayuu yiri wasiirka.

Maalintii shalay, baraha internetka ee faafiya wararka kooxda Alshabab ayaa lagu sheegay in kooxdu dib ula wareegtay magaalooyinka Camaara, Bacaadweyne, Qeycad iyo Shabeelow.

Alshabab waxay sheegeen in ay ciidamada Galmudug ku laabteen Wisil, kaddib jab kasoo gaaray weerarki dhowr cishe ka hor lagu qaaday deegaanka Camaara, halkaas oo ciidamada looga qabsaday hub iyo gaadiid dagaal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

 












Click here
8/27/2021 11:51 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - 35 askari oo katirsanaa ciidanka booliiska dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa kusoo biiray ciidanka booliiska Somaliland, ee magaalada Badhan, ee gobolka Sanaag.

8/27/2021 11:09 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Saddex qof oo mid kamid ah uu yahay askari katirsan ciidanka booliiska Puntland, ayaa ku neef qabatimoobay kadib markii Booyad kuwa nadaafadda ka shaqeeyo ay kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara bartamaha Garowe.

8/27/2021 4:04 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kabxanleey oo dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar Maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen dad beeraleey ahaa oo ku sugnaa deegaankaasi.

8/27/2021 3:49 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyay hanti-dhowrka Puntland inuu ka degdeg ka muuqdo warbixin ay dhawaan soo saareen oo ay shaqada kaga joojiyeen masuuliyiin katirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

8/27/2021 2:59 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid deni, inuu boob aan loo meel dayin kula kacay doorkii ay beeluhu ku lahaayeen doorashada aqalka sare iyo tan aqalka hoose.