4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Laascaanood : 152 arday oo dhamaystay Jaamacada Nugaal oo xaflad loo qabtay


Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Munaasibad loo qabtay difcadii 14aad ee  ka qalinjebiya jaamacad Nugaal ayaa ka dhacday xarunteeda  magaalada Laascaanood  ee gobolka Sool.

152 araday ayaa nasiib u yeeshay in ay noqdaan difcadii 14 sida uu sheegay gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Cabdirisaaq Lafoole oo intaas kadib ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay 18kii sano ee ay jirtey.

Munaasibadan oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxa inta badan masuuliyiintii ka soo qayb gashay ay diirada ku saareen arimaha nabadgelyada iyo horumarka waxaanay u soo jeediyeen dhalintan in ay arintaas wax ka qabadkeeda dhug u yeeshaan.

"Anagu waxaan diyaar u nahay hadaan Dawlada Hoose nahay in aan xisaab celin ka samayno dakhliga na soo gala iyo waxa aan ku qabano" sidaa waxa yidhi Axmed Kawte gudoomiye ku xigeenka degmada Laascaanood isagoo ku dheeraaday dadaalka ay ugu kiraan horumarinta degaanka.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo halkaas ka hadlay ayaa si aad ah waxa uu ugu dheeraaday in ay sameeyaan daraasado wax looga qaban karo colaadaha beelaha ee soo noqnoqda iyo wax ka bedelka garaadka bulshada, sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isaguna sidoo kale hambalyo u soo jeediyey dhalintan maanta soo gabagabaysey wejigii koobaad ee waxbarashada sare.

Ardayda kaalmaha u horeeya ka galay ayaa abaalmarin kala duwan halkaas lagu gudoonsiiyey iyadoo ay xusid mudan tahay.

Aasiya cabdicasiis Xadreeye  oo Kaalinta Kobaad, kuliyada Shareecada ka gashay isla markaana guud ahaan jaamacadda Nugaal kaalinta ugu horaysa ka gashay hadala ay halkaas ka soo jeediseyna aad loogu riyaaqay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood