4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Wararkii ugu dambeeyay xiisad kasoo cusboonaatay magaalada Baledweyne
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Wararka haatan ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Badbaado Hiiraan iyo kuwa Hirshabeelle ay ka taagan tahay xarunta maamulka gobolka Hiiraan yo xerada lamagalaay.

Xiisada ayaa la sheegay iney ka dhalatay kadib markii ciidamo u watay taliyaha Booliiska Hirshabeelle Xasan Dhicisow ay gudaha u galeen aqalka madaxtooyada Hirshabeelle, halkaas oo la sheegay iney kulan kula soo qaatay taliye Dhicisow madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Xildhibaano, wasiiro, iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Kulanka kadib ayaa taliye Dhicisoow iyo ciidankiisa waxaa is hortaagay ciidamada Badbaado Hiiraan oo diiday in taliyaha iyo ciidankiisa ay dibadda uga soo baxaan aqalka madaxtooyada Hirshabeelle ku leedahay Baledweyne.

Wararki ugu dambeeyay ee hadda kusoo dhacay Xafiiska Shabakadda HOL ayaa sheegaya in Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan uu ku guuleystay xalinta xiisada dagaal ee laga dareemay goordhaw xeendaabka Hirshabeelle ay kaga sugan tahay magaalada Baledweyne.

Jawiga Baledweyne ayaa haatan kusoo laabtay si caadi kadib muddo kooban oo xaalad kala carar ah ay ka jirtay xarunta maamulka gobolka iyo hareeraheeda halkaas oo ay isku hor fadhiyeen ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo ciidamada Badbaado Hiiraan oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta inta badan xarumahii Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]